Opening a Women’s Centre in Mogadishu: Xarun haween oo Muqdisho laga furay

(Daawo sawirada) Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga furay xarun ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed, waxaana xaruntaasi oo asaaskeeda ay gacan ka geysatay Hay’adda Wadahadalka CCD ka soo qeyb galay Wasaaradda Haweenka Dowladda KMG ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiro, madax ka tirsan Golayaasha Dowladda KMG ah, ururrada Haweenka iyo qeybasha bulshada Soomaaliyeed ee kala duwan.

Munasaabad Balaaran oo ay ka qeyb galayeen Mas’uuliyiin ka socotay Labadda Golle ee dawladda KMG ah ee Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banadir ayaa waxaa xariga loogaga Jaraayay Xafiis Cusub oo ay leeyihiin Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Munasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socotay ururadda Bulshadda Rayidka ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay, iyadoo ay ugu horeyn halkaasi ka hadleen masuuliyiintii ka socotay dawladda Federalka Soomaliya qeeybahoodda kala duwan.

Xaruntaaan cusub oo ay furitankeedda gacanta ugu weyn ka geeysatay Hay’adda Wadahadalka Bulshadda ee CCD, ayaa waxa ugu horeyn munasabadasi ka hadlay Gudoomiyaha Dhinaca Haweenka ugu qaabilsan Hay’adda CCD Marwo Sahra Maxamuud Amiin, oo sheegtay in munasabadaan ay tahay mid dib loogu soo nooleynaayo aas aaskii iyo Tiirkii Ururka Haweenka Soomaaliyeed , waxaana ay xustay in Hay’adda CCD Markii ay aragtay aadna ugu kuur gashay Haweenka Soomaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin Horumarinta Bulshadda ay Hay’adda CCD go’aansatay in ay gacan siiyo Haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in ay taasi markhaati cad ka tahay in maanta xariga laga jarro Xafiis ay ku kulmaan haween weynaha Soomaaliyeed, isla maraklasna ku fushadaan hawlahoodda la xiriira horumarinta Qaranka Soomalaiyeed.

Sidoo kale waxaa iyana munasabadaasi ka hadashay K/Gudoomiyaha Ururka haweenka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi oo ugu horayn u mahad celisay Guud ahaan Masuuliyiintii ka soo qeyb gashay Furitanka xafiiskasi, waxaayna sheegay inay sidoo kale mahad gaar ah u celineyso Hay’adda CCD oo ay sheegtay inay suuragelisay in xafiiskaan la furo kadib markii ay bixisay hay’adda CCD Kharashkii ku baxayfuritaanka Xafiiskaasi.

Marwo canab waxay kaloo sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay maanta horyaliin hawlo badan oo u bahan in si wadajir ah loo wajaho si guul loogaga gaaro ka miro dhalintoodda, waxayna si gaar ah ugu mahad celisay masuuliyinta labadda golle oo ay ku sharaftay ka soo qeyb galkoodda gaar ahaana Wasiiaradda Haweenka dowladda KMG ah Marwo Drs Maryan Qasim Axmed.

Sidoo kale waxaa isna munasabadasi xariga loogaga jaraayay Xafiiskaasi ka hadlaya Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahana duqa magaladda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuuna halkaasi ka soo jeediyay hadallo dardaaran ah.

“Haweenku waa in ay la dagaalamaan kuwa Caruurtoodda Xabadda gabaadka uga dhiganaya, waana inaad ka hortagtaan in 20 Sanno kadib uu dalku ka sii socddo Dagaal dhiig lagu daadinayo”.

Gudoomiyaha waxa uu ku dhiiri geliyay Haweenka Soomaaliyeed inay sameeyaan Kacdoon dalka loogaga sarayo kooxdda Al-Shabaab oo dadkii iyo duunyadiiba u diiday in ay si xornimo ah ku noolaadan, dalkana u diidan in uu horumar ku talabsaddo , wuxuuna sheegay in mamulka gobolka Banaadir uu arintaasi dhawaan bilaabi doono , wuxuuna ka codsaday Haweenka Soomaaliyeed in ay kacdoonkaasi hormuud ka noqdan si loo badbadiyo jiritanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay ku soo duuleen kooxaha shishiiyaha ah ee doonaya inay qabsadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Gudoomiayaha Gobolka Banaadir wuxuu kaloo xusay in Mamulka Gobolka Banaadir uu ugu yeeraayo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee la marin habaabiyay in uu gobol ahaan ugu yeeraayo Horumar, halka Kooxda Al-Shabab ay ugu yeereyso jihadaka beenta ah, waxaana uu gudoomiyuhu ugu baaqay Haweenka Soomaaliyeed inay halgankoodda mideeyaan.

“Gobolka Banaadir wuxuu uu Haweenka Soomaaliyeed u fududeyn donaa wax Alla iyo wixii hawlo ah ee ay u bahan yihiin” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo tusaale u soo qatay in gobolka Banaadir uu dhawaan dib u furaayo gurigii weynaa ee Hooyooyinka Soomaaliyeed ay lahaayeen ee degmadda X/weyne.
Md. Tarsan ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Hay’adda CCD oo uu sheegay inay tahay Hay’ad mar walba u tagan sidii dalka iyo dadka loo horumarin lahaa, gar ahana dhinaca nabadda.

Munaasabadaasi ayaa waxaa iyana erayo kooban ka soo jeediyay Xildhibanadda Dawladda KMG ah oo kala ah Xildhiban Casha Cabdi Ciise iyo Xildhibaan Maxamed Xusen Ilko Dahab kuwaasi oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeeyb qaataan nabadda iyo dib u dhiska dalka , iyagoo tusaale u soo qatay halgankii Haweenka Soomaaliyeed ay u soo galeen Xoriyaddii dalka Soomaaliyeed sida halyeey Xaawo Taako.

Dhinaca kale waxaa iyaguna munasabadasi ka hadlay wasiir ku xegeenadda Arimaha Gudaha iyo Amniga iyo Shaqadda iyo shaqaalaha dhalinyaradda iyo isbortiga Ibrahim Isaaq Yarow iyo C/shiid Xiddig, kuwaasi oo tilmaamay Doorka Haweenka Soomaaliyeed kaga aadan horumarinta dalka, waxayna sheegeen in wasaradahoodda ay tixgelin siin doonaan Haweeynka Soomaaliyeed marka ay timaado iskashiga iyo wada shaqeynta dhinaca dowladda , iyagoo ugu baaqay inay Haweenka Soomaaliyeed gacmaha is qabsadaan oo ay wadajir u wajahaan hawlaha lagu hormarinaayo dalka iyo dadka, waxayna wasiir ku xegenadu hoosta ka xariiqeen una mahadceliyeen intii isku soo duba riday soona qabanqabisay iyo intii gacanta ka geeysatay, gaar ahaan Hay’adda CCD.

Wasiirkuxegeenadu waxay kaloo ka hadleen marxaladda xiligaan u dalku marayo, iyagoo xusay in ay jiraan abaaro iyo macluul baahday, waxaayna haweenka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay ka qeyb qatan gurmadka lagu samata bixinayo dalka iyo dadka.

Gabagabadii Munasabadaasi waxaa soo gunaanaday wasiiradda Wasaradda Haweenka ee dawladda KMG ah Drs Maryan Qasim Axmed oo guud ahaan ugu baaqaday Haweenka Soomaliyeed inay laba laabaan dadaalka ay ugu jiran horumarinta dalkoodda iyo dadkoodda, iyadoo sheegtay in wasaaradda haweenka ay mar walba diyaar ula tahay sidii ay ugu fududeyn lahayd hawlahoodda Shaqo iyadoo si gaar ah ugu mahad celisay guud ahaan intii gacanta ka geeysatay Furitaanka xafiiska cusub ee haweeynka Soomaaliyeed, sida Hay’adda CCD iyo cid kasta ee wax ku biirisay hadii ay ahaan laheyd talooyin iyo tusaalooyin intaba.

Intii ay socotay munasabadaasi lagu furayay Xafiiska cusub ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee magaladda Muqdisho, waxay halkasi ku soo bandhigeen Qaar ka mid ah Haweynka Soomaliyeed Buranburo iyo halku dhigyo dhaxtaal u ah socodka munasabadda kuwaasi oo si weyn u soo jiitay ka qeyb galayasha munasaabadasi oo ay ka dhaxmuuqatay Abwaanad Suldano iyo xubno kale.

About these ads

About Maryam Qasim

I am a medical doctor and a humanitarian activist. I have worked as an obstetrician and gynecologist, which is my specialty as well as a University lecturer. I also obtained a Masters in Public Health from Warwick University. During my time in the diaspora, I worked on empowering women and raising the achievements of Somali children. I worked with local schools/authorities as well as presenting at national and international conferences dealing with family matters. I am very active in the Islamic field, giving Islamic lectures at Masjid’s, conferences, universities and summer campings. I served as the minister for Women’s Development and Family Affairs in the Transitional Federal Government of Somalia (2010-2011). I am currently the chair person of Tayo party which is a political party striving for equality and justice.
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s