Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo la hadlay Soomaalida Sweden (SAWIRRO)

Jimco, March 02, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa caawa la hadlay Soomaalida Sweden kaddib markii uu ka qeybgalay kulan ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta Tensta Träff ayaa waxaa ka qeybgalay Soomaali faro badan oo ku nool dalka Sweden, inkastoo ay u badnaayeen Soomaalida ku nool Magaalada Stockholm. Ammaanka goobta uu kulanka ka dhacayay ayaa waxaa adkeynayay Ciidamada Booliska Stockholm iyo ciidamada nabadsugidda Sweden.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay dad kooban oo khudbooyin soo dhaweyn, taageero iyo toosin isugu jiray u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali.

Dadkii kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Abuukar Socdaal oo ammaanka howlaha ay waddo Xukuumadda Soomaaliya ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Dr. C/weli Maxamed Cali, wuxuuna ra’iisal wasaaraha ku sifeeyay in uu yahay Ra’iisal Wasaarihii ugu horreeyay ee dowladda geeya deegaannada uu ka soo jeedo, wuxuuna intaas ku daray in ay ka rajeynayaan Ra’iisal in uu xukuumadda geeyo Somaliland. Suldaan Abuukar Socdaal wuxuu kula dardaarmay Ra’iisal Wasaaraha in ay dib u soo nooleyso ciidamadii Soomaaliyeed si ay ammaanka dalka u sugaan.

Waxaa kaloo ka hadlay Xafladda Wasiiraddii Haweenka Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Farmaajo Drs. Maryan Qaasim, waxayna ugu horreyn sheegtay in Ra’iisal Wasaare Cabdiweli iyo iyada ay soo wada shaqeyeen, ayna la dhacsan tahay waxqabadka xukuumadda Soomaaliya.

Waxay ka hadashay Drs. Maryan heshiisyada xal-raadinta ah ee ay Soomaalida gaaraan  iyo sida aaney dulqaadka iyo samirka u lahayn, waxayna sheekeysay siiradii Rasuulka CSW, iyadoo si gaar ah u xustay in qofkii siirada aqriyo ay wax badan uga kordhayaan isla markaana haddii dhabbahaas la qaado xal loo heli karo mushkiladda Soomaaliya.

Drs. Maryan oo sii hadleysay waxaa ay intaas ku dartay in heshiiskii suluxul-xudeydiya ee ay wada galeen Rasuulka CSW iyo dadkii dagaalka kala soo horjeeday, waxayna caddeysay in heshiiskaas oo markii la gelayay Nabiga CSW lagu xiray shuruudo adag, kuwaasi oo uu Nabiga CSW ku qaatay samir iyo dulqaad, iyadoo heshiiskaasna uu keenay in muddo dheer nabad iyo colaad la’aan lagu wada noolaa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ahaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulanka ka hadlay, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Soomaalidii soo dhaweysay ee kulanka soo qaabeysay, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha u sheegay in Soomaalida ku nool Sweden, gaar ahaan Sweden ay muujiyeen midnimo.

Danjire Nuur Cadde ayaa intaas ku daray in Soomaalida ku nool Sweden ay ahaayeen kuwii u ololeeyay in uu hirgalo geedi-socodkii nabadeynta Soomaaliyeed ee Djibouti, kaasi oo ay ka soo baxday Dowladda KMG ah.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya C/wahaab Ugaas Khaliif, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay Soomaalida Sweden oo uu isaguba ka mid yahay, wuxuuna mahadcelin kaddib uu sheegay in uusan kaliya wakiil u ahayn Soomaalida Sweden balse uu wakiil u yahay Wadamada Scandinevian-ka oo dhan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka C/wahaab Ugaas Khaliif wuxuu sheegay in uu ka doonayo Soomaalida ku nool Scandinevian-ka wax uu kula noqdo Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u ishaaray in uu ka doonayo in ay ganacsiga, warshadaha Soomaalida ay dib u soo nooleeyaan, ayna aqoonta ay kororsadeen ay ku celiyaan Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay, wuxuuna u mahadceliyay Soomaalida Sweden, gaar ahaan, Ururka kulanka soo qaabeeyay.

Wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan in aysan heynin war la’aanta dalka, sababtoo ah buu yiri warbixinta dalka waxaad kala socotaa website-yada iyo taleefashinnada.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Soomaalida inteeda badan ay fikrad aan jirin ka heysteen shirkii London, taasi oo ahayd in Soomaaliya maxmiyad la gelin doono, wuxuuna caddeeyay in ay shirkaas ka qeybgaleen kaddib markii ay ogaadeen waxyaabaha looga hadlayay oo uu sheegay in ay ahaayeen in mushkiladda Soomaaliya wax laga qabto bacdamaa dhibaatada Soomaaliya loo arkay aysan ku ekaaneynin Soomaaliya oo kali ah.

Wuxuu sheegay in Shirka ay ka soo baxeen 26 qodob, kuwaasi oo si wanaagsan looga dooday ka hor intii aanan la soo saarin, wuxuuna farta ku fiiqay in ay arrin aad u muhiim ah ahayd arrinta burcad badeedda oo shirka uu ka walaacay, taasi oo uu sheegay in ay tusaalooyin ka bixiyeen sida xal loogu heli karo burcad badeedda, waxaan u sheegnay buu yiri in arrintaas wax-ka-qabashadeeda ay u baahan tahay in berriga laga raadiyo.

Wuxuu sheegay in 6-dii Agoosto 2011 laga saaray Al-Shabaab magaalada Muqdisho, kaddibna laga saaray Magaalooyinka Beledweyne iyo Baydhabo, haddana la qorsheynayo in meelo kale oo ka mid ah dalka saaro.

Wuxuu sheegay in Dowladda ay u qorsheysan tahay in ay la hadasho dadka ka midka ah Al-shabaab ee wata ajendaha Soomaalinimada. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan dad badan oo Al-shabaab ka tirsanaa oo ka soo goostay, kuwaasi oo ay dowladda soo dhaweysay.

Waxyaabaha uga qorsheysan meelaha ay Dowladda la wareegtay ayuu ka hadlay Ra’iisal Wsasaaraha, wuxuuna sheegay in ay meelahaas u baahan yihiin in la xasiliyo, iyadoo arrintaasna ay ka shaqeynayaan guddi-qaran-nabadgelyo.

Dowlad goboleedyada iyo xiriirka Dowladda Soomaaliya ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay si xiriirkaas u wanaagsanaado ay Puntland iyo Galmudug, iyaguna ay yimaadaan Muqdisho.

Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dastuur-u-sameynta Soomaaliya ay noqotay mashruuc aan dhammaaneyn, hayeeshee hadda loo saaray guddi khubarro ah oo deg deg ku soo dhammeeya.

Marka la soo dhammeystiro Dastuurka ayuu sheegay in ay ansixin doonaan ergooyin Soomaaliyeed oo ka kooban Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Haweenka, Ganacsatada iyo Dhalinyarada, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya loo sameyn doono Baarlamaan tiro yar oo tayo leh, kaasi oo xubnihiisa ay ka koobnaan doonaan 225 mudane, kuwaasi oo tayadooda la xaqiijin doono.

Abaarihii Soomaaliya soo maray iyo sida ay dadka Soomaaliyeed isugu gurmadeen ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in dadka soomaaliyeed haddii ay isku tashadaan ay wax qabsan karaan.

Dadaalka hagar la’aaneed ee Dowladda Turkiga ayuu khudbadiisa ku soo hadal qaaday Ra’iisal Wasaaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, wuxuuna ugu horreeyay ka codsaday dadkii uu la hadlayay uu ka codsaday in ay u doceeyaan ra’iisal wasaaraha Turkiga Erdogan oo xanuunsan.

Kaalmada Turkiga ee Soomaaliya iyo madaxda Turkiga ee Soomaaliya booqatay ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare C/weli in ay ka maseereen dowlado badan oo caalamka ah, kuwaasi oo buu yiri marka ay la kulmaan weydiiya waxa ay dowladda Turkiga siiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay markaas oo kale ugu jawaabaan in Turkiga uu Soomaaliya u qabto wax aysan dalalka caalamka weligood u qaban Soomaaliya.

Waxyaabihii uu dhalay Roadmap-ka Soomaaliya ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in Roadmap-ka uu ku saabsan yahay wax-ka-qabashada afar qodob oo kala ah 1- Nabadgelyada 2- Dib u heshiisiinta 3-Dastuurka 4- Dowlad wanaagga, wuxuuna caddeeyay in dhammaantood meel ay wanaagsan marayaan.

Intaas kaddib wuxuu baaq u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaalidii uu la hadlayay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay qaadday waddadii nabadda iyo horumarka, sidaas darteedna wuxuu carrabka ku dhuftay in Soomaalida qurbaha ku nool looga baahan yahay in marxaladda kala guurka ah ka qeybqaataan. Dhinaca kalena wuxuu ugu baaqay in ay noqdaan dad fiican oo dhaqan-wanaag kula dhaqma dadka ay la nool yihiin, waayo ayuu yiri haddii aad halkan ku fiicnaataan oo aad wax la qabsataan dadka aad la nooshihiin dadkiinana wax ayaad la qaban kartaan.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa iyo weliba ka qeybgalayaashii kulanka waxaa casho sharaf loogu sameeyay Hotel ku yaalla Magaalada Stockholm, iyadoo cashadaas oo sagootin ahaydna ay soo diyaariyeen gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Stockholm. Waxaa xusid mudan in Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo booqasho ku jooga Sweden uu xafladda casho-sharafta ka qaaday heeso nabadda iyo wadaniyadda ku saabsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

About Maryam Qasim

I am a medical doctor and a humanitarian activist. I have worked as an obstetrician and gynecologist, which is my specialty as well as a University lecturer. I also obtained a Masters in Public Health from Warwick University. During my time in the diaspora, I worked on empowering women and raising the achievements of Somali children. I worked with local schools/authorities as well as presenting at national and international conferences dealing with family matters. I am very active in the Islamic field, giving Islamic lectures at Masjid’s, conferences, universities and summer campings. I served as the minister for Women’s Development and Family Affairs in the Transitional Federal Government of Somalia (2010-2011). I am currently the chair person of Tayo party which is a political party striving for equality and justice.
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s