Shir looga hadlay Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)

Sabti, March 02, 2012(HOL): Shir looga hadlayay Nabadda iyo Dib u heshiisiinta ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Sweden, iyadoo shirkana uu soo qaban-qaabiyay Ururka Nordicsom.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay dad aad u faro badan oo ka kala yimid dalka Sweden gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa waxaa si weyn looga hadlay Nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Furitaankii shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyaah Nordicsom C/llaahi Xaaji Dayib wuxuuna soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha, isagoo kaddibna sheegay in shirka uu yahay midkii labaad oo uu Ururka Nordicsom qabto, isla markaana looga hadlo nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Sweden u qaabilsan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya Marika Fahlen ayaa shirka ka hadashay, waxayna ku dheeraatay dhibaatada nabad la’aaneed ee Soomaaliya ka jirtay muddada dheer iyo shirarka dib u heshiisiineed ee Soomaaliya loo qabtay.

Marika Fahlen waxa ay sheegtay in si kasta oo ay Soomaaliya dhibaato u soo martay ay haatan xaaladda Soomaaliya taagan tahay marxalad kala guur ah oo dhibaatadii laga gudbayo, isla markaana loo gudbayo nabad, dib-u-dhis iyo horumar.

Waxaa ay  sheegtay in Dowladda Sweden ay la kulantay Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare C/weli, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif oo muddo dheer ku noolaa Sweden.

Marika Fahlen waxaa ay soo dhaweysay Roadmap-ka iyo qodobadii ka soo baxay Shirkii Garowe, waxayna ammaantay qoondada  haweenka Soomaaliyeed laga siiyay baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya, iyadoo rajeysay in haweenka ay kaalintooda qaadan doonaan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa isna shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in dadka ku nool dibadaha ay yaqaanaan waxa ay nabadda tahay, sidaas darteedna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa dhextaal u ahayd suugaan isugu jirtay gabayo iyo heeso uu ku luuqeynayay Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo uu Muusikada u garaacayay Muusikiiste Maclow. Sidoo kale waxaa shirka lagu daawaday Filimo Documentary ah oo ku saabsan Soomaaliya xiligii nabadda iyo burburka, kuwaasi oo uu soo diyaariyay Ururka shirka qabanqaabiyay ee Nordicsom.

Wasiiraddii haweenka ee Xukuumaddii Farmaajo Drs. Maryan Qaasim ayaa shirka ka hadashay, waxayna ku dheeraatay ka-hadalka qiimaha nabadda iyo sida loogu baahan yahay in ay dadka Soomaaliyeed gartaan qiimaha nabadda ay ku kaceyso. Marka la ogaado qiimaha nabadda ku fadhido bey tiri  ayaa la heli karaa waxa ay nabaddu tahay, haddii aanse la aqoonin qiimaha nabadda waa la isnoojinayaa mooyee nabad lama helayo.

Waxay tusaale u soo qaadatay doorkii haweenka ay ku lahaayeen nabad-dhalinta,  waxayna tilmaantay in marka labo reer ay colaad dhexmarto ay haween kala guursan jireen si colaadda u dhammaato.

Cadaalad lagu dhaqmo iyo helidda nabadda ayay isla xiriirisay Drs. Maryan, waxayna sheegtay in marka cadaalad la helo nabadgelyo la helayo, taasina waxay tusaale u soo qaadatay in markii Cumar Bin Khadaab RC uu cadaalad uu sameeyay markii uu hoggaanka Islaamka hayay ay u saamaxday in uu ilaalo la’aan geed hoostiisa isaga gami’ jiray.

Axmed Maxamed Cali Kiimiko  oo ka socday Ururka difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ayaa isna shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in gabood-fallo badan oo ka dhacay Soomaaliya oo aan la iskula xisaabtamin darteed ay nabaddii laalan tahay, wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay hal-ku-dhigga dhahaya “wax kasta oo dhacay xalay-dhalay ha laga noqdo”, taasi oo uu sheegay in muujineyso in xaqa dad lahaa lagu daboolayo.

Axmed Kiimiko waxaa uu sheegay in nabad iyo dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo helo Soomaaliya ay sii fogeyneyso iyadoo mar kasta la dhiirigelinayo dad qoriga caaraddiisa wax ku noqda ee dagaal oogayaasha ah, wuxuuna taasi ku sababeeyay in cid kasta oo dagaallameyso oo dooneyso in ay qoriga caaraddiisa xukunka dalka ku qabato.

Ugu dambeyntii waxaa shirka ka hadlay Guddoomiyaha Nordicsom Mr. Cabdullaahi Xaaji Dayib, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay nabadeynta Soomaaliya ka qeybqaataan, isla markaana ay noqdaan dad wax ka kororsada waddamada ay ku nool yihiin, isla markaana wixii wanaag ah ka qaata, isagoo Soomaaliya u rajeeyay in ay nabaddii iyo kala dambeyntii ku soo noqoto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

About Maryam Qasim

I am a medical doctor and a humanitarian activist. I have worked as an obstetrician and gynecologist, which is my specialty as well as a University lecturer. I also obtained a Masters in Public Health from Warwick University. During my time in the diaspora, I worked on empowering women and raising the achievements of Somali children. I worked with local schools/authorities as well as presenting at national and international conferences dealing with family matters. I am very active in the Islamic field, giving Islamic lectures at Masjid’s, conferences, universities and summer campings. I served as the minister for Women’s Development and Family Affairs in the Transitional Federal Government of Somalia (2010-2011). I am currently the chair person of Tayo party which is a political party striving for equality and justice.
This entry was posted in Uncategorized. Bookmark the permalink.

Leave a comment